Ma qabtaa su'aalo ku saabsan gudniinka xubinta taranka haweenka?

Hadaba waxaan diyaar u nahnay in aan macluumad iyo caawin ku siino

Waa maxay Gudniinka Xubinta taranka ee Dumarka?

Gudniinka xubinta taranka waa mida , jarida xubinta taranka ee dumarka.waxaa jiro qaabab dhoor ah oo kala duwan iyo dhaqamo jaritaanka ah, da'da iyo xiliga gudniinka gabdhaha lagu sameeyo wey kala duwantahay.

Ka aqri wax badan oo ku saabsan midaan.

Halkee Ayaan Caawinaad Ka heli karaa?

Haween iyo gabdho badan oo la guday wey ku adag tahay in ay ka hadlaan su’aalahooda iyo dhibaatooyinkooda. Waxaan kugu caawineynaa oo aan ku siineynaa talo bilaash oo qarsoodi ah.

Nala soo xiriir.

Dhaqanka ayaa qabo saas .Laakin aniga maqabo

Sababta gabadha loo gudo,waxaa lagu saleeyaa dhaqanka inta badan. Laakin dhaqanka wuu is bedelaa. Nagu caawi,in ad gabdhaha gudniinka ka badaadisid.

Waxaan kugu taageereenaa dadaaladaada.

Waa maxay Cawaaqiibta Caafimaadka?

Haween iyo gabdho badan ee la guday waxey la dhibaatoodaan cawaaqiibta gudniinka xag caafimaadeed iyo cilmi nafsiga .

Waxey xaq u leeyihin cawinaad!

Halkee ayaa gudniinka xubinta taranka ee dumarka looga dhaqmaa?

Gudniinka xubinta taranka ee dumarka wadamo badan ayaa wali looga dhaqmaa. In ka badan 200 milyan oo haween iyo gabdho ah ayaa caalamka mara gudniinka xubinta taranka ee dumarka. Waxaa sannad walbo la gudaa sadex milyan oo ilmo iyo gabdha yar ah.

Wadamadee?

Gudniinka Xubinta taranka ee Dumarka ma mamnuuc baa?

Gudniinka xubinta taranka ee dumarka waa ka mamnuuc sharci ahaan Switzerland iyo inta badan wadamada kale. Dumarka iyo gabdhaha waxay xaq u leeyihiin illaalo iyo caawinaad.

Is ogeeysii

Su'aalaha Inta badan La isweydiiyo

Waxaa jiro su'aalo badan iyo waxyaabo badan oo aanan la hubin ee ku saabsan gudniinka xubinta taranka ee dumarka.

Waxaad jawaab ka heli kartaa halkaan.

Waa maxay Gudniinka Xubinta taranka ee Dumarka?

Gobolka iyo bulshada ee  gabarta ku nooshahay ayaa go'aanmiso noocyada kala duwan ee gudniinka xubinta taranka ee dumarka. Gudniinka xubinta taranka ee dumarka waxaa lagu qeexay afarta nooc ee soo socota:

  • Nuuca I (jeexida): ka jarida qeybta ama guud ahaan kintirka
  • Nooca 2 (jarmada): qeyb ama guud ahaan ka goynta kintirka iyo faruurta (faruuraha gudaha)
  • Nooca 3 (infibulation ama “Gudninka fincooniga»): Gudninku wuxuu yareynayaa dulelka ama furninka xubinta taranka, waxaa lisku tolaa si furninkas cariiri u noqdo, faruraha banaanka iyo/ama faruraha  gudaha ku yalaan. Marmarka qaarkod, laakin ma ahan marwalba, kintirka sidoo kale waa la jaraa ama waa la saraa.
  • Nooca 4: Dhammaan dhaqamada kale ee ku lugleh dhaawaca xubinta taranka dumarka. Tusaale ahaan, sarsarida ama daloolinta gudaha iyo banaanka xubinta taranka.

Da'da ee gudniinka xubinta taranka dumarka ee gabdhaha lagu sameeyo si weyn ayay u kala duwanyihiin.Waxaa jiro   bulshooyinka qaarkood ee gabdhaha inta lagu jiro bil-laha koowaad ee noloshooda guda. Bulshooyinka kale jarmada waxaa lagu sameeyaa markii gabdhaha ay u dhaxeeyaan da’da 4 ilaa 8 sano. Waxaa sidoo kale jiro bulshooyin ee gudniinka xubinta taranka ku sameeyaa gabdhaha inta lagu jiro qaangaarka ama dumarka qofka weyn ah.Waxaa dhacdo dumarka weyn in dib loo tolo markii ay dhalaan. Haddii aad jeclaan laheyd inaad ogaatid midkee ka mid ah gobolada caalamka iyo sida inta badan gudniinka xubinta taranka dumarka loogu dhaqmo, waxaad ka heli kartaa qariirada ku siineyso dulmar halkaan.

Fadlan nagala soo xiriir haddii aad su'aalo qabtid ee ku saabsan gudniinka xubinta taranka dumarka ama haddii aad u baahantahay caawinaad ama Warbixin bilaash ah iyo talooyin.

Halkee Ayaan Caawinaad Ka heli karaa?

Ma qabtaa su’aalo ku saabsan mooduuca caafimaadka dumarka iyo gudniinka xubinta taranka ee dumarka? Noo soo qor iimeeyl ama na soo wac

Denise Schwegler, Caritas Schweiz

Denise Schwegler
Caritas Schweiz

Simone Giger

Simone Giger
Caritas Schweiz

Nala soo xiriir,si aan balan kuugu sameeyno. Talooyinka wa bilaash ragana wey u furantahay.Eyadoo turjumaan uu ka qeyb qadanaayo ayaan talooyin qarsoodi ah ku siineeynaa.

Nambarada xalada degdega ah

  • Tel. 143 caawiye
  • Tel.147 telefoonka daryeelka dhalinyarada
  • Tel.117 booliska
  • Aqalka Dumarka Switzerland
  • Aqalka gabdhaha Zürich.

 

Dhaqanka ayaa qabo saas .Laakin aniga maqabo

10 sababood ee gudniinka xubinta taranka dumarka aanan markale loogu dhaqmeeyn:

  1.  Gudniinka xubinta taranka ee dumarka waa xadgudubka xaquuqda aadanaha
   2. Canug walba wuxuu xaq leeyahay xaquuq jir caafimaad
   3. Ma jirto caalamka diin ama qoraal u diiwan gashan oo waajib ka dhigeeyso gudniinka xubinta taranka ee dumarka.
   4. Jirka Gabdhaha wey fiicantahay in loo daayo  sida Ilaahey u Sameeyey
    5.Gudniinka xubinta taranka ee dumarka waa ka mamnuuc wadanka Switzerland iyo wadamo kale oo badan.
    6.Gabdhaha iyo Haweenka aan la Gudin wey xanuun yar yihin, caafimaad badan yihin iyo weyna cimri dheer yihin.
    7.Gudniinka xubinta taranka ee dumarka waxay sababi kartaa dhalmo la'aan
    8.Haweenka aanan la gudin waxay qabaan dhibaatooyin yar inta lagu jiro dhalmada
    9.Aaminaada ninka naagtiisa kuma xirna gudniinka.
    10.Wey ku adagtahay gabhaha iyo dumarka in ay ku noolaadaan bulsho dhaqankaan canbaareyso.

Ma rabtaa inaad ka hortimaatid dhaqankaan? Waxaan kugu taageereeynaa talo iyo warbixin.

Iimaam iyo baadari waxey dheheen: “Gudniinka xubinta taranka ee dumarka ma lahan asal diimeed!” Iyo labo naag ayaa ka hadlay arinkaa: “Haweenka aanan la gudin waxay noqon karaan xaasas wanaagsan!"

 

Waa maxay Cawaaqiibta Caafimaadka?

Gudniinka xubinta taranka ee dumarka waxey leedahay cawaaqiib halis ah ee caafimaadka gabdhaha iyo dumarka. Qaar ka mid ah way u dhintaan sabab la xiriirto natiijada cawaaqiibta jirka. Cawaaqiibta suurtogalka ah ee Gudniinka xubinta taranka ee dumarka:

  • Cabsi, murugo, jahwareer iyo naxdin
  • Infekshan
  • Xanuun xiliga caadada ama kaadida
  • Kaadida aan la ceshan karin
  • Dhibaatada Nabraha
  • Hooyada iyo canuga oo xanuun iyo dhibaato badan la kulmo xiliga dhalmada.
  • Ma dhaleesnimo
  • Xanuunka inta lagu jiro galmada iyo hoos u dhaca rabitaanka galmada

Haweenka iyo gabdhaha oo dhan ee la guday dhibaatooyinkaas ma wada qabaan. Hadii ay dhibaatooyin jiraan iyo nooca ey tahay,waxey ku xirantahay nooca gudniinka iyo sida gudniinka loo sameeyey.sidaas darteed gabadh iyo naag kasto qaab kale aye ula kulantaa marxalada adag.
Cawaaqiibta maskaxda oo suurtagalka  ah.

Waxaa dhici kartaa in gabdha iyo dumarka dhibaatooyin maskaxiyan ah oo gudniinka sabab u ah ku dhaco.Waxaa macquul ah in ay ku fajacaan waalidkood in ay badbadin wayeen. Markii ay gabdhaha la guday ay yimaadaan Switzerland waxey is barbar dhigaan nafsadooda gabdhaha aan la gudin,waxeyna is weydiiyaan,sababta loogu sameeyey gudniinka.Dumarka iyo gabdhaha qaar taas waxay u sababtaa cabsi ama murugo.

Gudniinka xubinta taranka ee dumarka dib looma soo celin karo, laakin dhibaatooyinka jirka iyo caafimaadka waa la daaweyn karaa. Gabar walba iyo naag walba waxay xaq u leedahay daaweyn noocaas ah.

Haddii lagu guday, ama haddii aad ka cabsaneysid inaad halis ugu jirtid in lagu gudo, hel caawinaad.

Dhaqtar.Kuhn, ee daaweyso haweenka Inselspital, Isbitaalka Jaamacada Bern, wuxuu sharaxayaa cawaaqiibta gudniinka xubinta taranka ee dumarka:

Halkee ayaa gudniinka xubinta taranka ee dumarka looga dhaqmaa?

Gudniinka xubinta taranka ee dumarka waxey marka koowaad saameysaa gabdhaha iyo dumarka ee wadamada qaar ee Afrikaanka ka soo jeeda. Wadamada sida Soomaaliya, Irateriya, Suudaan, Masar, Guinii, Siira liyoon, Maali iyo Jabuuti,waxaa wali lagu sameeyaa gudniinka xubinta taranka ee dumarka tirooyin badan oo gabdho iyo haween ah. Si kastaba, gudniinka xubinta taranka ee dumarka waxey ka jiraan sidoo kale Aasiya, Carabta iyo gobolka Kurdiyiinta. Gudniinka xubinta taranka ee dumarka waxaa loogu dhaqmaa qaar ka mid ah wadamada Muslimiinta inkastoo kuligood ahayn, sida Sacuudiga ay cadeysay. Wadamo badan ayaa hoos u dhac ku yimid xaga gudniinka xubinta taranka ee dumarka.Tirokoobka hadeer ah (ee 2015/2016), waxuu muujinaaya in tirada gabdhaha la guday  ay sii yaraaneyso. Markii si kala loo micneeyo: Gudniinka gabdhaha wuu sii yaraanaaya.

Tirada Gudniinka:

Wadanka

 Qarnigii hore

Qarniga hada

Eriteriya 83% 78%
Suudan 87% 84%
Itoobiya 74% 62%
Masar 87% 61%
Soomaliya 98% 97%

Sii raac tilmaamtaan: Integra

Gudniinka xubinta taranka ee dumarka waa ka mamnuuc sharci ahaan wadamo badan oo Afrikaan ah iyo Switzerland. Ogow waxa ku saabsan xaalada sharciga.

Ma jeclaan laheyd in aad ka hadashid  wax ku saabsan gudniinka xubinta taranka ee dumarka? Ma tahay qof gudniinka xubinta taranka ee dumarka lagu sameeyey? Nala soo xiriir wixii warbixin iyo talooyin ah.

Waxaad ka heli kartaa warbixin dheeri ah oo ku saabsan wadamada gudniinka xubinta taranka ee dumarka loogu dhaqmo mowduuceena webk-a gaarka ah.

Gudniinka Xubinta taranka ee Dumarka ma mamnuuc baa?

Qofka ku dhaqmo gudniinka xubinta taranka ee dumarka  wuxuu ku xadgudbay xaquuqul insaanka, gaar ahaan xaqa ay magan galyada u leeyihiin  oo ka hortagaayo la dagaalanka dumarka iyo gabdhaha. Wadamada waxaa saaran waajibaad ah in ay gabdhaha iyo haweenka ka ilaaliyaan gudniinka xubinta taranka ee dumarka,caawinaadna siiyaan. Switzerland waxaa lagu qoray mamnuuca gudniinka xubinta taranka ee dumarka Qodobka 124 ee Xeerka buug dambiyeedka ee Switzerland. Sharciga.

Ciqaabta kuma xadidno ragga iyo dumarka ee sameeyey gudniinka,sidoo kale waalidiinta iyo qaraabada u ogalaaday in gabadha la gudo.Waxaa sidoo kale la ciqaabayaa qofkii ku sameeyo gudniinka dalka dibadiisa ama u fududeeyo.

Qofkii ka soo horjeesto Mamnuucaas,waxaa lagu ciqaabayaa Xabsi ama. Tani waxay quseysaa dhammaan nooc walboo gudniinka ah, oo ay ku jiraan Nooca 1 (sunnada).

Waalidiinta waxay masuul ka yihiin in ay ilaaliyaan gabdhahooda. Haddii ay ku guuldareeystaan in ay  masuuliyadooda dhab u qaadan waayaan, maamulada ku haboon, sida maamulada ilaalada caruurta, ayaa laga codsaanayaa inay soo farageliyaan.

Maamulada dowladeed ee Switzerland waxay siiyaan dadka ay saameesay gudniinka xubinta taranka ee dumarka talo iyo caawinaad, gaar ahaan cawinaada daweeynta, maskixiyan iyo caawinaad sharciga ah.

Gudniinka xubinta taranka ee dumarka waxay ka mid tahay  sababaha magangalyada Switzerland lagu helo, laakin wa markii  wadanka aad ka soo jeedid uu  ka hortagi karin  gudniinka xubinta taranka ee dumarka.

Mamnuucyada, Xaqa iyo Sharciga u yaalo Switzerland iyo caalamka iyo wadanka aad ka soo jeedid,waxaad ka bogan kartaa bogga Webseedkeena qeybta Xaqooqda iyo Sharciga ``.

War bixin ka timid madaxweeynaha Golaha Faderaalka ee Switzerland Simonetta Sommaruga: “Gudniinka xubinta taranka ee dumarka waa ka mamnuuc Switzerland.”

Waxaan qabaa xanuun weyn, ugu daran xiliga aan caadoonaayo. Maxaan sameyn karaa?

Haddii aad dareemeeysid xanuun, wa inaad  la kulantaa dhaqtarka daaweynta dumarka ee takhasus ah si ad xaaladaada ugala hadashid. Waxaa jira qaliin la sameeyn karo oo ku xiran nooca gudniinka uu yahay,Si dib loo furo xubinta (qaliin) haweenta. Qaliinka waxaa bixiyo maalgelinta caymiska ee caafimaadka. Talo iyo warbixin

Waa la i guday uurna waan leeyahay. Maxay tan ula micna tahay xiliga dhalmada canugeyga?

Waxaa jiro Switzerland umulisooyin kala duwan, dhaqaatiirta  dumarka iyo Isbitaalo u leh wayo aragnimo dhalmada haweenka la guday. In aad cabsato ma ahan. Ka hadal gudniinkaga waqti hore oo suurtagal ah,si xirfadlayaasha caafimaadeed ay uga warqabaan ayna uga firsadaan.Talo iyo warbixin.

Ma garanaayo in la i guday iyo in kale,waa maxay taasi micnaheeda?

Waxaa jiro haween badan oo aanan garaneynin in la guday ama aan la gudin.Hadii Gudniinka la sameeye xili hore oo caruurnimaadi ah,haweenka ma xasuusan karaan.Ka hadalka gudniinka xubinta taranka ee dumarka waa mowduuc ceeb ah,gabdha ma weydiin karaan hooyooyinkood iyo qaraabada kale su`aalaha.Hadii ad daneeyneeysid suaashaan,waxaad u tagtaa dhaqtaarka dumarka ee takhasus ah. Talo iyo warbixin

Waa la iguday, waxaana la kulmay waaya aragnimo xun xaga xirfadlayaasha caafimaadka.

Gabdhaha iyo naagaha la guday waxay xaq u leeyihiin  daryeelka caafimaad wanaagsan. Taasi waxay la micna tahay in dhaqaatiirta iyo xirfadlayaasha caafimaadeed waajib ku tahay in ay si xirfadeesan ula dhaqmaan, talana u siiyaan. Nasiib daro, arintaan ma ahan marwalba. Fadlan nala soo xiriir haddii ad raadineeyso xirfadyahan takhasus ah ama aad jeclaan laheyd inaad ka hadashid waaya aragnimadaada. Talo iyo warbixin

Waxaan guursaday naag la guday. Maxay tani la micnatahay?

Gudniinka xubinta taranka ee dumarka waxey lahaan kartaa cawaaqiib xumo jirka iyo maskaxda ah. Waxaa sidoo kale suurtagal ah in ay galmada xanuun u horseedo.Switzerland waxaa jiro adeegyo ee ku takhasuseen talo bixinta ee su'aalaha iyo dhibaatooyinka sida kuwaan. Adeegaan waa bilaash. Talo iyo warbixin

Ma rabo in gabadheyda la gudo. Halkee ayaan caawinaad ka heli karaa?

Waa muhiim in adigoo, hooyo ahaan iyo aabo ahaan ula socotiin  ilaalada gabadhadiin si firfircoon .Waana kugu garab istaageeynaa.Waxaa jiraan Switzerland naago iyo nimaan heegan u ah ka hortaga gudniinka oo ka soo jeedo wadamada sida Soomaaliya, Erateriya, Itoobiya iyo Suudaan.Dadkaaso abaabuli karo wadahadalo lala yeelanaayo walidiinta. Haddii aad rabtid wada hadal noocaas ah, fadlan la xiriir la taliyayaasha ka socdo Caritas Switzerland. Talooyin iyo warbixino